Ra’iisulwasaaraha DFS oo si KMG ah u magacaabay wasiirka amniga qaranka DFS.
May 29, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xilka wasaaradda amniga qaranka si KMG ah ugu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.Wasiirka warfaafinta ee DFS Mustaf Sheekh Cali ayaa u sheegay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho in xilka wasaaradda amniga uu si kumeel gaar ah u sii haynayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo haatan ah wasiirka G/dhiga ee DFS.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in Raisulwasaaraha DFS uu dhawaan si rasmi ah uu u magacaabi doono wasiirka amniga qaranka ee DFS .
Cabdikariim Xuseen Guuleed Wasiirkii hore ee amniga qaranka ayaa xilka iska casilay 24-kii bishan ka dib markii uu ku fashilmay in uu wax ka qabto amaanka magaalada Muqdisho
A/Cawale
Halgan.net