Sh Umal iyo kulankii Ardayda Jaamacadda ee Camuud.[Masawiro]

May 30, 2014 - Written by Editor

22Boorame:-Waxaa xalay ka dhacay kulan weyn oo aad loo soo agaasimay Hoolka weyn ee Jaamacadda Camuud , kulankaas oo ay agaasimkoodu ay lahaayeen Jaamacadda Camuud iyo ururka Dhalinayarada ee Badbaado , kulanka ayaa waxaa uu u jeedkiisu uu ahaa  in lagu soo dhaweeyo Sh Maxamed Cabdi Umal iyo culimo kale oo ka yimid Hargeysa si dardaarano ay ugu jeediyaan Ardayda Jaamacadda Camuud.

Kulanka ayaa waxaa daahfuray Prof.Saleebaan Axmed Guuleed isagoo warbixin ka dib soo dhaweeyey Sh.Maxamed Cabdi Umal iyo culimadii ku wehelisay safarkiisa, Intaas a dib waxaa goobta ka hadlay oo hadalo dardaaran u badnaa iyo soo dhaweyn soo jeediyey Sheekh.Xassan Khayre Dirir iyo Sh.Maxamed Cali Gadhle.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka dib dardaaran u jeediyey Ardayda Jaamacadda Camuudiyad isagoo ka hadlay mushkilaadka dhalinyarta haysata waxaan lagu qiyaasay in ay goob joog ka ahaayeen dhagaysiga muxaadarada Sh Umal ilaa 4000 kun oo arday ah sidda uu sheegay Maamulka Jaamacadda Camuuud. Sh Maxamed ayaa markii uu muxaadarada dhameeyey waxaa ay ardaydu ay wiidiiyeen su’aalo fara badan oo diini ah oo dhamaantood taabanaya waaqac Ardayda ,Mustaqbalka Aqooneed ee Ardayda iyo xaalada dalka Soomaaliya.

Dhinac kale Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu saaka kulan gaar ah la qaatadu Madaxda dhaqana ee Gobolka Awdal isagoo kala hadlay in wixii khilaaf ah ee yimaad loo celiyey shareecadda Islaamka iyo in madaxda dhaqanku ay qaataan waajibka ka saaran umadooda si loo badbaadiyo.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya culimada kala ah Sh Maxamed Cali Gadhle, Sh Cawil Fatax Shire,xubno ka tirsan Mu’assadda Al-karam oo kala ah  Maxamed Deeq Xuseen Cali, Cabdinasir Cali Barkhad, Cabdiwahab Maxamed Mowliid, Yaasiin Maxamed Axmed , Sh Ciise Maxamuud Cabdalla, Cismaan Axmed , Cabdiraxmaan Cawil Faatax, Al-xusani Stereo Cabdiraxmaan Xariiri iyo Sh Ibrahim Barkhadle  , Sheekh Axmed Maxamed Geedi , Sh Cali Ibrahim Cumar oo ahaa raggii Shiikh Umal ka soo raacay dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

no images were found

Safarka Shiikha Umal ee Boorame iyo warbixinta dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaah

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online