Sh.Xassan Sh.Cali Warsame oo muxaadaro ka jeediyey masjid-jaamaca Laascaanood.[Dhagayso]
May 29, 2014 - Written by EditorLaascaanood:- Waxaa caawa muxaadaro qiiimo badan ka jeediyey Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Sh.Dr.Xassan Sh.Cali Warsame waxaan uu Sheekhu muxaadardiisa cinwaan uga dhigay (التنمية البشرية على ضوء السنة النبوية ) ahna Kobcinta qofka banii’aadamka ah iyadoo lagu salaynayo Axaadiista nabiga SCW.
Sheekh.Dr.Xassan Sheekh.Cali Warsame ayaa waxaa uu ugu horeyna ku bilaabay muxaadaradiisa ahmiyadda ay leedahay kobcinta banii’aadamku iyo sidda loogu dadaalayo caalamka gaalo iyo islaamba,isagoona tilmaamay in dacfiga iyo tamar-darada ku haysata ummada muslimiinta ah ay tahay iyaga oo aan si fiican uga kobcin dadkooda dhinacyo badan.
Sh.Dr.Xassan Sh.Cali Warsame ayaa sheegay in Nebi Maxamed NNKH uu dhinacyo badanuu ka kobcin jirey saxaabadiisa sida: ruuxda iyo iimaanka,caqliga iyo aqoonta, dhaqaalaha,maamulka iyo hogaamiyenimada, isagoo sheekhu uu qayb walba u keenayey tusaaleyaal iyo Axaadiis badan oo ku jira siirada Nebiga SCW,wuxuna ku soo gabagabeeyey muxaadarada sheekhu in qofka muslimka ka ah looga baahan yahay in uu iska dhiso dhamaan dhinacyadaas si noloshiisu u noqoto mid isku dheeli tiran.
Ugu dambayntiina muxaadarada ayaa ahayd mid soo jiidatay dadkii kasoo qayb galay,iyagoona jeclaystay in sheekhu marar kalena uu u jeediyo muxaadarooyin kale,Muxaadarada Sheekh.Dr.Xassan Sheekh.Cali Warsame ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo’udiin ay ka mid ahaayeen Fadiilatu Sh C/Naasir Xaaji Axmed iyo Sh Cabdiwaaxid Xaashi iyo wliba guud ahaan culimada macalimiinta ka ah Machadka Al-furqan.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu jeediyeySh.Xassan Sh.Cali Warsame oo muxaadaro ka jeediyey masjid-jaamaca Laascaanood
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/ldnohxc23l/kobcinta_bashariyada_Sh_Xassan_Sh_Cali_Warsame.mp3]
Halkaan ka Dhagayso MP3
Ahmed Said
Golaha Ardayda ka baxday
Machadka Alfurqan-Lascanod