Sh Abu Basiira dhardhuusi oo ku dhagan Al-Qacida iyo Haani Subaaci (Akhri+Cod)

May 13, 2014 - Written by Editor

abu-bashiir1London:-Sheekh Abu Basiira Al-Dhardhuusi oo ka mid ah wadaada la dhacsanaa in mudo ah Al-Qaacida waxbadana maaro looga waayey culumada ayaa waxaa uu ku faafiyey Maraagtiisa bayaan uu ugu magac daray ( وقفات مع كلمة الشيخ أيمن الظواهري ” شهادة لحقن دماء المجاهدين بالشام ) waxaana uu uga hadlay baaqii ugu danbeeyey ee uu soo jeediyey hogaamiyaha Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahir. Sheekh Abu Bashiira Al-Dhardhuusi ayaa waxaa uu ku eedeeyey amiirka Al-Qaacida in uu ajiibay codsiga mid ka mid ah wadaadada lagu imtixaanay gaaleysiinta horeyna aad ula dhacsanaa una difaaci jiray kooxda Khawaarijta ee Daacish waana Dr Haani Subaaci.

SheekhAbu Basiira Al-Dhardhuusi ayaa sheegay in Dr Haani uu aad ula dhacsanaa kooxda Daacish balse uu haatan ku soo jeestay markii ay soo ifbaxeen khilaafka tandiimiga ee u dhaxeeya kooxda Daacish iyo Al-Qaacida

Sheekh Abu Bashiira Al-Dhardhuusi ayaa bayaankiisa qodobo dhowr ah oo cabsho ah ku sheegay waxaana ka mid ah in Dr Ayman uu markii la dilay Sheekh Abu Khaalid Al-Suuri uu ku tilmaamay kooxda Daacish kuwa la mid ah qulaadii culumada iyo ducaada ku leysay dalka Al-Jeeriya (Jamaaca Islaamiya Muslaxa) balse uu farintiii u danbeysay ku amaanay ABu Bakar Al-Baqdaadi.

Sheekh Abu Bashiira Al-Dhardhuusi ayaa bayaankiisa ku sheegay in kooxda Daacish iyo Al-Qaacida aysan waxba ku kala duwaneyn marka la joogo gaaleysiinta cid walba oo khilaafta balse uu khilaafkooda uu yahay mid Maamul wuxuuna Yiri

أظهرت الكلمة أن خلاف القاعدة، وأميرها .. مع ” الدواعش ” جماعة الدولة .. خلاف – تنظيمي حول الدخول في الطاعة .. وعدمه .. وليس حول غلو وشذوذ وانحرافات وجرائم ” داعش ” وأثرها السيء على الجهاد في الشام، وعلى مستقبل الإسلام في الشام .. مما أعطى انطباعاً لكل مراقب .. أن القاعدة وداعش في المنهج والغلو، وتكفير المخالفين شيء واحد .. لا خلاف بينهما .. وإنما الخلاف فقط على أمور تنظيمية إدارية .. تنتهي بدخول المجرم القاتل الخارجي البغدادي في طاعة أمير القاعدة! وهذا يعني على القاعدة .. أن تتحمل تبعات كل ما يُنسب لجماعة الدولة .. من غلو .. وظلم .. وبغي .. وفساد .. وجرائم ترتكبها في العراق والشام سواء!

Sheekh ABu Bashiira Al Dhardhuusi ayaa sheegay in laga gudbay wakhtigii Al-Qaacida ay umada u afduubnaan lahay loogana danbeynlahaa wax walba balse dhibkeeda uu ka badan yahay nafcigeeda wuxuuna Yiri .

أعتقد أن دور القاعدة قد انتهى .. وأن ضررها يغلب نفعها .. فضلاً عن أن تعتبر نفسها قدر – الأمة، وخيارها الأوحد الذي لا تجوز الحيدة عنه؛ فلا حراك ولا جهاد إلا عن طريقها، وتحت اسمها .. وإلا فسوء الظن .. وعبارات التشكيك والتضليل .. والانتقاص .. ستطال كل من يجاهد عن غير طريقها .. وطريقتها!

Sheekh Abu Bashiira Al-Dhardhuusi ayaa waxaa kale oo uu bayaankiisa ku sheegay in hogaanka Al-Qaacida aysan war badan ka heyn xaalada Shaam wuxuuna ugu baaqay Al-Qaacida in umada Islaamka iyo culumadeeda loo daayo in ay dalalkooda difaacdaan

آن الأوان لأن نعطي الأمة والشعوب المسلمة الحق في الدفاع عن نفسها .. وعن حقوقها ..وحرماتها .. وآن الأوان للقاعدة .. وللمسميات التي تحاكيها وتحاكي أسلوبها في العمل .. أن تُسلم الراية للأمة لتقود نفسها بنفسها .. من غير وصاية من أحد .. كما كان العهد في زمن النبوة الأشرف .. وزمن الخلفاء الراشدين .. ومن جاء بعدهم من الأمويين، والعباسيين، والعثمانيين.

Abu Bashiira Al-dharshuusi ayaaa waxaa uu horey bayaan uga soo saaray kooxda Daacish wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin Khawaarij oo lala dagaalo Halkan ka Akhriso

Sheekh Abu Bashiira Al-Dhardhuusi ayaa waxaa uu ka mid yahay wadaada la gaaleysiiyey waxaana laga qoray qormooyin kala duwan waxaana ka mid ah raga gaaleysiiyey wadaadka Xasaan Xusen Hoos ka Dhageyso

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/71pm47hcgz/Xasaanvs_Abubasir_fiqi1.mp3]

Ama Halkan Mp3

Halkan ka Akhriso Bayaankii uu soo saaray Sh Abu Basiira Al-Dhardhuusi uuna u bixiyey (وقفات مع كلمة الشيخ أيمن الظواهري ” شهادة لحقن دماء المجاهدين بالشام )
W/Q C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online