Socdaalkii uu Sh Umal ku tegay degaanka S/Galbeed Qeybtii 2aad.[Masawiro]
May 10, 2014 - Written by EditorDhanaan:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu socdaal dacwo ku tagay gobalka Somali galbeed ee Ogadenia waxaana qeybttii hore ku soo marnay deegaano dhowr ah oo uu sheekhu iyo wafdi culuma ah ay soo mareen qeybta labaad waxaa uu sheekhu iyo wafdi uu hogaaminayo 10-04-2014 gaadhen dagmada bookh waxayna halkaa ku qabteen hal muxaadaro halhabena way joogeen.
11-04-2014 waxay uga siigudbeen shekha iyo waftigiisu dhinaca magalada Marqaan iyagoo halkaa kusugnaa mudo laba malmood ah waxayna ku qabteen sadex muxaadaro .Sheekhu intuu haalkaa kusugnaa wuxuu booqdey macadka wayn ee imaamu shafici ee hoosyimada mu,asasada alsunnah ee xarunteedu tahay caasimada jigjiga.
13-04-2014 shekhu wuxuu gaadhey tuulooyinka kala ah qalloocan qaawane sarhaye ee hoosyimaada danood gallaadi halkaasna wuxuu kuqabtay muxaadaroyin kala duwan
14-04-2014 wuxuu sheekhu dhagaxdhigey machadka imaamu bukhaari ee kuyaala tuulada qaraaro hoosna yimada hay,ada sunnah ee taclinta iyo dacwada wuxuuna ku qabtey muxaadaroyin intuu ku sugnaa tulooyin kaa.
14-04-2014 wuxuu gaadhey sheekha iyo waftigiisu dagmada dannood iyagoo hlkaas kusugnaa mudo labo malmood ah kunaqabtey muxaadarooyin aysan u kalahadhin dhagaysigeeda shacabka kudhaqan dagmada danood rag iyo dumarba.
16-04-2014 shekhu wuxuu gaadhey tuulooyinka kala ah marsin ,qoriile, wuxuuna kuqabtay muxaadarooyin dhowr ah.
17-04-2014 wuxuu gaadhey sheekhu gaashaamo halhaben ayayna kusugnaayen hal muxadaarana way kuqabteen.
18-04-2014 waxay gadheen sheekha iyo culimadii lasocotey shilaabo halmalin ayayna kusugnaayen halmuxadarana way kuqabteen
no images were found
18-04-2014 sheekha iyo waftigii baladhnaa ee uu hogaamineyey waxay gaadheen gobolka shabeelle gaarahaan caasimadiisa Godey wuxuuna sheekhu kasojeediyey muxaadarooyin kala duwan mudo shan malmood ah oo iskuxigta.shacabka kudhaqan magalada Godey umaysan kala hadhin soodhawaynta sheekha iyo dhagaysiga muxaadaraadka sheekha mudadii uu kusugnaa halkaas waxaa sido kale sheikh uukulamo kala duwan kulayeeshey wax garadka iyo aqoonyahan culumada kusugan magala madaxda labaad ee deeganka somalida Ethiopia godey.
23-04-2014 wuxuu sheekhu u anbabaxay dagmada dhanaan isagoohalkaakusugan hada.
Xafiska iclamka mu,asasada sunnah…lasoco qaybta 3aad