Suldaanka dalka Brunei oo ku dhawaaqay in dalkiisa lagu dhaqayo Shareecada Islaamka (Daawo)
May 1, 2014 - Written by EditorBrunei :-Suldaanka dalka Brunei ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah 01-da May laga dhaqan galin doono dalka Brunei ku dhaqanka Shareecada Islaamka ,Suldaanka dalka Brunei Xaaji Xassan Bolkiah ayaa shalay soo saaray wareegto lagu amrayo dhamaan Maxaakimta dalka in la fuliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Baaqa uu soo saaray Suldaanka Jaziirada Brunei Xaaji Xasan Bolkiah ayaa ah mid geesinimo leh hadii uu ka dhabeeyo wuxuuna noqadanaa dowladii ugu horeysay ee si rasmi ah ugu dhawaaqda ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Wareegtada ka soo baxday dowlada Brunei ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in xuduuda lagu fulin doono tuugada wax xada iyo kuwa ku dhaca Zinada .Dowlada Brunei ayaa sanadkii hore ku dhawaaqay ku dhaqanka shareecada Islaamka balse waxaa dib loo dhigay ilaa sanadkan aan haatan ku jirno.
Dowlada Brunei ayaa sidoo xuduud ku fulin doonta kuwa qamriga caba iyo Dadweynaha aan soo xaadirin Salaadaha Jamaacada iyo Jimcaha.Suldaanka Brunei Xaaji Xasan Bolkiah ayaa ka digay dacaayadaha lagu baahinayo baraha Internet-ka, kuwaa soo lagu suuro xumeynayo diinta Islaamka iyo Shareecada qiimaha badan.
Shacabka degan dalka Brunei ayaa waxaa degan 80% dad Muslimiin ah waxaana sidoo kale la degan dad aan heysan diinta Islaamka waxaana lagu qiyaasaa ilaa 15%
Halkan ka Akhriso Al-Jazeera oo wax ka qortay ku dhaqanka Shareecada Islaamka dalka Brunei
Halkan ka Daawo Barnaamij ay Al-Jazeera ka Diyaarisay Jaziirada Brunei
A/Cawale
Halgan.net