Taliyaha ciidanka Milateriga DFS oo isku day dil ka badbaaday
May 28, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Taliyaha Ciidanka Milateriga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa saaka qarax miino lagula beegsaday magaalada Muqdisho xili uu marayey nawaaxiga Warshada Caanaha ee degmada Hodan ee Muqdisho isagoo ku sii jeeda xarunta Wasaaradda Gaashandhigga.
Qaraxa lala eegtay Taliyaha Ciidanka Milateriga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka badbaaday weerarka la doonayey in lagu khaarajiyo waxaase weerarku dhaawac ka soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa.
llaa hadda ma jiraan asuuliyiin ka mid ah Dowladda Fedeaalka Soomaaliya oo ka hadlay weerarka lala eegtay Taliyaha Ciidanka Milateriga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe).
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkan balse weerarkaan ayaa ku soo beegmay xili maalmo ka hor ay ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta golaha baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net