Tartan aqooneed loo qabtay Macaahidda raacsan Machadka Al-furqaan ee Buuhoodle[Cod/Masawiro]

May 6, 2014 - Written by Editor

16Buuhoodle:-Waxa maalinimadii khamiista 02/rajab/1435H oo ku beegan 01/ may/ 2014 ka bilowday magaalada Buuhoodle tartan aqooneed u dhexeeya Macaahidda asaasiga ah ee shareecadda Islaamka ee raacsanna machadka sare ee al-furqaan buuhoodle .Waxaana soo qabanqaabiyay tartankaan (kulanka gabdhaha ardayda ah magaalada buuhoodle) .Waxa ka soo qaybgalay tartankaas 5 machad oo ka mida macaaahidda hoose/dhexe ee raacsan machadka al-furqaan buuhoodle oo kala ah :-

1- Machadka Ummusalama
2- Machadka Al-sunna
3- Machadka Khadiija bintu khuweylid
4- Machaka Al-nuur
5- Machadka al-furqaan qaybtiisa hoose /dhexe .
Tartanku waxaa uu ka qabsoomay xarunta macadka ummusalama iyadoo ay macaahidda kale dhamaantood ay marti u ahaayeen macadka uu xaruntiisa tartanku ka qabsoomay . Ka hor inta uusan bilaabman tartanku ayaa waxa loo sameeyay qorituur macaahidii ka qaybqaadanaysay tartan intaa ka dib waxa la iclaamiyay sidda ay iskugu beegbeegan yihiin Macaahiddu.

1- Machadka khadiija bintu khuweylad waxa uu ku beeganyahay macadka al furqaan qaybtiisa hoose/dhexe .
2- Machadka Ummu salamana waxa uu ku beeganyahay macadka al-sunna.Halka macadka shanaad ee al-nuur uu ku baxay qorituurka .

Wareegii koowaad ee tartanku waxa uu bilowday 10:00 waxaan isku arka labada machad ee kala ah (khadiija iyo al-furqaan al-icdaadi) , iyadoo labada macahadba la waydiinayay 14 su’aalood oo min 7 su’aalood ugu began , su’aasha dhamayska tiran waxa lagu helayaa labo dhibcood halka su’aasha ka faaidaysiga ah lagu helayo dhibic keli ah , wareegaas waxa guushu ku raacday machadka al-furqaan al-icdaadi oo ku badiyay natiijo dhan 12 dibcood oo uu helay halka macadka khadiija helay 10 dhibcood .

Wareegii labaad ee taratanka waxa iyana isku arkay labada machad ee kala ah (al-sunna iyo ummusalama) iyadoo la waydiiyay 14 su’aalod oo min 7 ugu aadan labada machad , labada machad waxay barbardhac ku noqdeen qaybtii hore ee tartanka , waxana loo soo diyaariyay labada machad su’aalo dheeraad ah oo lagu kalasaaray , waxaase kadis noqotay in ay barbardhac haddana noqdeen labada machad , intaa kadib waxa labada machad lagu kala saaray su’aalo aqoonguud ah oo dhaqan ka soomliaga ku saabsan , ugu danbayntii waxaa 2 dhibcood iyo waxba ku badiyay macadka al-sunna .

Ka hor intii uu san bilaaban wareegii saddexaad ee tartanku waxa loo qori tuuray labada machad ee kala ah macadka al-furqaan al-icdaadi iyo al-sunna oo midkood uu ku dhici doono machadka al-nuur halka kan kalena uu u bixi doono wareega u danbeeya ee tartanka .

Wareegii saddexaad ee tartanka waxa isku arkay labada machad ee kala ah (al-nuur iyo al-sunna) halkaas oo ku badiyay machadka alnuur 13 dhibcood halka machadka alsunaa uu helay 7 dhibcood .

Wareegii Afraad ee ugu danbeeyay tartanka oo ahaa wareegii ugu xiisaha badnaa tartanka waxa isugu yimi labada machad ee kala ah alnuur iyo (al-furqaan al-icdaadi) iyagoo ugu danbayntii kusoo gaba gaboobay machadka al-furqaan alicdaadi oo helay 15 dhibcood halka machadka al-nuur uu helay 12 dhibcood .

Ka dib markii uu dhamaaday tartanku waxa loo iclaamiyay dhamaan ka soo qaybgalayaashii goorta la qabanqaabinayo xafladii khitaamka ee tartamada iyadoo ku began galabnimada jumcada isla goobtuna tahay isla xaruntii uu tartanku ka socday ee machadka ummu salama. Galabnimadii jumcada 03/rajab/1435 H oo ku began 02/may/2014 M waxa lagu qabtay xarunta macadka ummu salama xaflad lagu soo gabagabaynayay tartamadii ka socday macadka maalintii khamiista.

Ugu horrayn waxa lagu bilaabay aayaad quraana oo uu akhriyay c/maalig cismaan xaaji c/laahi intaa kadib waxa halkaa ka hadashay xamdi c/risaaq xaaji xasan (madaxa kulanka gabdhaha ardayda ah ee magaalada buuhoodle) oo iska lahaa qabanqaabada tartanka iyada oo ka war bixisay tartanka iyo qaabkii uu u dhacay sidoo kale waxaa ay ka taariikhaysay multaqaha iyo waxqabadyadiisa faraha badan iyadoo ugu danbayn u mahadnaqday dhamaan dadkii ka qaybqaatay tartamada sidoo kale ka soo qayb galay xafladda xidhitaanka tartamada .

Intaa kadib waxa hadalka qaatay madaxa hooyooyinka dacwada xaliimo xaaji axmed maxamed iyadoo u mahadnaqday multaqaha qabtay tartan kan iyadoo ku boorisay in ay sii laba jibaaraan acmaashooda. Intaa ka dib hadalka waxa u baxay Sh. axmed maxmed samatar (maamule ku xigeenka macadka al-furqaan buuhoodle) isagoo uga mahadnaqay multaqaha shaqada ay qabteen baraarujiyayna faa’iidooyinka ay leeyihiin tartamada noocaan oo kale ah oo ay ka mid tahay is barashada ardayda iyo in la abuuro jawi walaaltinimo iyo saaxiibtinimo .

Waxaa xigey sheekha oo hadalka qaatay cumar maxamuud maxamed (G.ku xigeenka ururka ardayda jaamacadda E.A.U buhodle) isagoo tilmaamay in uu ka qaybgalay tartamo hore oo magaalada ka dhacay kuna dhamaaday colaad iyo dhagax tuur lakiin uu kani ka duwanaa tartamadaas oo ardayda macaahiddu shareecada ku tilmaanayeen aadab iyo ixtiraam. Intaa ka dib hadalku wuxuu u guuray maamulayaashii macaahidda oo kala ahaa sidan :-

1. Maxamed c/weli yuusuf (M. macadka ummu salama)
2. c/raxmaan cali maxamed (M. macadka alnuur)
3. c/casiis cali cawil (M. macadka khadiija)
4. maxamuud c/ aw xasan (M. macadka al-furqaan al-icdaadi)

ka dib markii uu ka wareegay hadalku maamulayaasha waxa u baxay qaar ka mid ah culumadii ka soo qaybgashay xafladda iyadoo sheikh mubaarak sheikh xuseen sugulle uu ugu horayn u mahad naqay multaqihii hawshan qabtay macadkii marti geliyay iyo dhamaan ciddii ka qayb qaadatay isagoo ku taliyay in la badiyo tartamada noocaan oo kale ah.

no images were found

Intaa ka dib waxa bilaabatay qaybintii jaa’isooyinka iyadoo abaalmarino la gudoonsiiyay macaahidii kaalmaha hore gashay. Ugu danbayn waxa xafladda soo xidhay G. dacwada gobolka c/casiis ismaaciil garaad soofe isagoo u mahad naqay dhamaan dadka ka qayb qaadanaya acmaasha dacwada gaar ahaan multaqaha qabtay tartankan sido kale macaahiddi ka qayb qaatay iyo ardaydii ku dhiiratay bilaabidda tartamada noocan ah.

Xafladda ayaa ku soo gabagabowday jawi farxad iyo raynrayn leh iyadoo ay si weyn uga soo qaybgaleen culumada waxgaradka waalidiinta ardayda macaahidda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada .

Halkaan ka dhagayso khudbooyinkii laga jeediyey Xaflada tartan aqooneed u dhexeeya Macaahidda Shareecadda Islaamka lagu barto

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/i5iu9nn08j/codadkii_xafladda.mp3]

Halkaan ka dhagayso MP3

Halgan.net
Buuhoodle

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online