Wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo soo gaaray Garoowe
May 23, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland wafdi balaaran oo ka socda dowladda degaanka Soomaalida Itoobiya waxaana wafdiga uu ka kooban yahay wasiiro iyo Isimo iyo Cuqaal waxaana ay ka qayb gali doonaan caleemo saarka Boqor Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo 25 bishaan ka dhici doonta magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar
Wafdiga ka socday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Cadaalada Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Xuseen Cabdi Sokor iyo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool.
Wafdiga ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Axmed Cilmi Cismaan Karaash,Wasiirka Amniga Mudane Xasan Aloore,Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame,Maamulka Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland .
Issimadaan ayaa markii hore waxaa ay gaareen magaalada Gaalkacyo iyagoo uga soo gudbay magaalada Garoowe waxaana soo dhaweeyey Issimada Puntland iyagoo u ameeyey qado sharaf Issimada ka yimid dowladda degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la filayaa in isla galabta ay u oo gudbi doonaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar si ay ugu biiraan Issimmo iyo wufuud kale duwan oo ku sugan magaalada Qardho si ay uga qayb galaan caleemo saarka Boqorka 34aad ee Beelaha Daarood.
Ciidanka amniga ee dowladda Puntland ayaa si weyn u adkeeyey amaanka magaalada Qardho iyo goobaha ay ku sugan yihiin wufuuda ka qayb galaysa Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhaweeyey xafiiskiisa wafdiga ka socday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ka qeyb galaya caleema saarka Boqor Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse
M_M_Deeq
Halgan.net