Wafdi ka socda IGAD oo tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose

May 11, 2014 - Written by Editor

2Kismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose Wafdi uu hoggaaminayey wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya  Danjire Maxamed Cabdi Afeey isagoo kulan gaar ah la qaatay markii uu gaaray Kismaayo madaxda maamulka KMG ee Jubba. Danjire Maxamed Cabdi Afeey  ayaa waxaa kulan gaar ah uu la yeeshay Madax weyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubba C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag kulanka aya waxaa looga wada hadlay siddii maamulka KMG ee Jubba ururka IGAD ay gacan uga siin lahaa arrimaha dhismaha ciidanka ,dib u heshiisinta iyo nabaggelyadda iyo dhismaha golaha baarlamanka ee uu yeelanay maamulka Jubba.

Kulanka ayaa waxaa kale oo looga dooday qaabka ugu sahlan oo ururka IGAD uu xafiis uga furan lahaa magaalada Kismaayo iyo qaabka loo dhamayastiri lahaa heshiskii lagu gaaray magaalada Kismaayo ee uu garwadeenka ka ahaa Ra’isul wsaaraha dowladda federaalka Somaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamulka KMG ee Jubba Gen.C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in kulan uu ku dhamaaday jawi is afgarad wixii laga wada hadlayna la isku waafaqay.

Dhinac kale Danjire  Maxamed Cabdi Afeey ayaa xusay in ururka IGAD uu wax la qaban doono maamulka KMG ee Jubba  si ay uga gudbaan arrimaha hortaagn oo ay ugu horayso dhisida ciidan tayo leh oo suga amniga iyo nabadgelaydda gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online