Wafdi ka socda QM oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

May 6, 2014 - Written by Editor

judyKismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in wafdi ay horkacayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins ay gaareen magaalada Kismaayo waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madax ka tirsan Maamulka KMG ee Juba iyo saraakiil ka socta ciidanka AMISOM.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins ayaa waxaa socdaalkeeda ku weheliyey ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serur.

Wafdiga ka socda QM ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaana ay ka wada hadli doonaan amaanka gobalada Jubooyinka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Maamulka Juba iyo sidoo loo horumarin lahaa.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins iyo ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serur, ayaa shalay kulan kula yeeshay madaxda DFS gaar ahaan Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh magaalada Muqdisho.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online