Wasiir ku xigeenka amniga ee DFS oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday golaha Shacabka

May 24, 2014 - Written by Editor

xaruntaMuqdisho:-Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay dileen 7 ka mid ah kooxda Al-Shabaab ee saaka soo weerartay xarunta golaha Shacabka.

Wasiir ku xigeenka amniga qaranka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Ibraahim Yarow Isaaq oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliyaiyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen amaanka golaha baarlamaanka DFS wuxuuna sheegay in qarax uu ka dhacay afaafka hore ee golaha shacabka ka dibna rasaas ay bilaabatay ayna ciidamada DFS ay fashiliyeen weerarkii ay damacsanaayeen kooxda Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka amniga qaranka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Ibraahim Yarow Isaaq ayaa sheegay  in aysan jirin xildhibaano ku geeriyooday weerarkii sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliya.

Ilaa haatan Lama garanayo tirada rasmiga ah ee kooxdii soo weerartay golaha baarlamaanka iyo khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxaa jira warar hordhac ah oo sheegaya in askar ka tirsan DFS ay ku dhinteen weerarka ayna ku dhaawacmeen laba xildhibaan .

Dhanka kale waxaa jira tiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay weerarka ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab kuwaas la geeyey isbitaalada magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online