Wasiirada Waxbarashada iyo amniga ee Puntland oo la kulmay iyo dhigooda Yeman.[Masawiro]
May 7, 2014 - Written by EditorSanca:-Wasiirka wasaarada waxbarashada ee Puntland Mudane.Cali Xaaji Warsame ayaa kulan muhiim ah kulan kula qaatay Magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yeman Wasiirka waxbarashada ee dawladda Yemen Dr. Abdul-Razaq Yahiya Al-Ashwal oo ay weheliyaan Wasiirka Tacliinta Sare ee Yemen Eng. Hisham Sharaf Abdullah iyo xubno kale.
Wasiirka waxbarasahada ee Dawlada Puntland Iyo wasiirka Waxbarashada ee Dawlada Yemen ayaa si qota dheer uga wada hadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay , iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka tacliinta ee dalkaYemen iyo Puntland. Dhinac kale wasiirka Amaanka Dawladda Puntland Xasan Cisman Alloore ayaa isaguna kulan la qaatay madaxa Amniga Dawladda Yemen iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha amaanka ee dalkaasi Yemen.
no images were found
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii laamaha amaanka Puntland iyo Yemen ay u yeelan lahaayeen xiriir joogto ah si loo xakameeyo burcad-badeeda, tahriibta iyo cid kasta oo khal-khal gelin karta xasiloonida Puntland iyo Yemen.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta , Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.