Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti shir jaraa’id ku qabtay Jabuuti

May 25, 2014 - Written by Editor

jabuutiJabuuti:-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jabuuti ayaa goor dhowayd u sheegay saxaafadda in saddex qof ay ku dhinteen qarxayadii xalay ka dhacay Jabuuti.

Waxa uu sheegay in saddexda qof laba ka mid ah ay yihiin dadkii qaraxyda ka dambeeyey oo uu sheegay inay ahaayeen qaraxyo ismiidaamin ah kuwaasi oo kala ah qof rag ah iyo qof haweenay ah.

Waxa uu sheegay in qofka saddexaad ee dhintay uu yahay muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in 15 qof aya dhaawacmeen kuwaasi oo iskugu jira 7 Faransiis ah, 4 Jarmal ah, 3 u dhalatay dalka Isbayn iyo mid u dhashay Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa horranatii bishan joogay magaaladan Washington oo uu kula kulmay madaxweyne Barack Obama.

Jabuuti waxaa saldhigyo ku leh dawladaha Maraykanka, Faransiiska iyo kuwo kale.

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online