Wasiirka Dastuurka DFS oo ka hadlay guddiga dib u eegidda dastuurka federaalka[Dhagayso]

May 29, 2014 - Written by Editor

IMG_0285Muqdisho:-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya mudane Faarax C/qaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey guddiga madaxa banan ee dib-u-eegista Dastuurka oo maanta asnixiyeen golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.Faarax Sh. C/qaadir ayaa ku tilmaamay tillaabo muhim u ah dawladnimada Soomaaliya go’aankii golaha Wasiiradu ku ansixiyeen guddiga madaxa banaan ee Dastuurka kuwaas oo ka kooban shan xubnood oo ah aqoonyahano Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan qaadnay tillaabo muhim u ah mustaqbalka iyo dawladnimada Soomaaliya taasoo ah in golaha Wasiiradu ansixiyeen guddigii madaxa banaanaa ee ka shaqaynayey dib-u-eegista Dastuurka KMG ah” ayuu yiri Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Federaalka oo dhinaca kale sheegay guddigaan inuu kamid yahay guddiyada Dastuuriga ah.

Wasiirka ayaa xusay howlaha ugu muhiimsan ee qaban doonaan gudigaan inay tahay sidii Dastuurku u noqon lahaa mid ku-meel-gaarka ka baxa isla markaana la gaarsiiyo afti dadweyne. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa yiri “waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego Dastuurku maahan Buug la qorayo ee waa Document ay dadku ku heshiisnayaan oo go’aan uga gaarayaan sida uu noqonayo Mustaqbalkooda gaar ahaan arrimaha la xiriira Siyaasada iyo ismaamulka”.

Gaarsiinta dastuurka kumeel-gaarka ah afti dadweyne, dhismaha maamul-goboleedyada, iyo ka hir-galinta dimuqraadiyadda daafaha Soomaaliya ayaa ah arrimaha mudnaanta koowaad u leh xukuumadda uu hoggaamiyo Dr.C/weli Sheekh Axmed.

Hoos ka Dhagayso Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Faarax C/qaadir

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/p8004azkgi/Wasiirka_Dastuurka_iyo_Arrimaha_Federaalka_Faarax_Sheekh_Cabdulqaadir.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Ahmed Mohamed
Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online