Wasiirkii Aminga DFS C/kariin Xuseen Guuleed oo Iscasilay [Dhageyso]
May 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirkii amniga dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/kariin Xuseen Guuleed ayaa caawa si rasmi ah waxaa uu u shaaciyey in uu iska casilay xilkii wasiirka amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiirka ayaa waqtiga uu xila iska casilayey waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta.
Wasiirkii amniga dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu yiri ” Anigoo tixgelinaya xaalada uu dalku marayo waxaan iska casilay xilkii aan u hayey qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan xilkii wasiirkii amniga Qaranka anigoo ku taageeri doona cid walba oo xilkaas loo magacaabo.”
Is casilaad Wasiirkii amniga dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xili saacaddo ka hor ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta Baarlamaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhagayso iscasilaadii Wasiirkii amniga dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/kariin Xuseen Guuleed
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/u137814q11/iscasilaad.mp3]
A/cawaale
Halgan.net