Xaaladda ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan Nairobi [Warbixin]
May 9, 2014 - Written by EditorNairobi:-Waxaa marba marka ka dambeysay sii adkaaneysa xaaladda ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.Muddo bil iyo bar ku siman ayaa magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay waxaa ka soconaya howlgallo balaaran oo ciidanka dalka Kenya, ku qabqabanayaan boqolaal Soomaali ah, waxaana howlgalladaasi ay saameyn balaaran ku yeesheen dhamaan qeybaha nolosha.
Ganacsiga
Waxaa aad hoos ugu dhacay ganacsigii dadka Soomaaliyeed ku haysteen xaafadda Islii, iyadoo dadkii wax gadan lahaa qaarna ay qaxeen, qaarna ay cabsi darteed la socon la’yihiin, kuwana la qabqabtay, waxaana intaas oo kale ay ku dhacday dadkii meheradaha lahaa.
Waxaa dhacda in dad dukaamadooda ka shaqeysanaya ay askartu kaxeysanayaan, iyadoona meel dadka lagu cafinayo ayan jirin.
Waxbarashada
Waxaa jiray ardo badan oo wax ka barata jaamacadaha, macaahidda iyo dugsiyada kale ee magaalada Nairobi, kuwaasoo qaarna la xiray, qaarna qaxeen, qaar kalena ay iska daayeen waxbarashada, maxaa yeelay inuu nabad galayo ayaa aad u yar, waxaana sidoo kale la galay ardana laga kaxeystay goobaha waxbarashada qaarkood.
Masaajidda
Masaajidda, ayaa waxaa laga dareemayaa sida ay u saameeyeen howlgallada, iyadoo ay yaraadeen dadka ku soo tukanaya salaadaha, sidoo kale waxaa habeenkii msaajidda laga joojiyey duruustii laga akhrin jiray, maadaama dadkii dhageysan lahaa ay ka baqanayaan in dariiqyada loo istaago.
Masaajidka weyn ee jaamaca ee magaalada Nairbi, ayaa laga bilaabay in muslimiinta looga duceeyo, isla markaasna laga habaaro kuwa jiif iyo joog u diiday, waxaana sidoo kale jira masaajid kale oo qunuudka laga bilaabay, taasoo muujineysa sida dadku dhibka u gaaray.
Xiriirka Soomaalida iyo Kenyanka kale
Dadka Kenyanka ah ayaa dareen baqdin ah ka qaaday bulshada Soomaalida, iyadoo ay ugu daran yihiin kuwa xaafadaha kale ku nool, waxaana meelaha aadka looga dareemayo ka mid ah baabuurta rakaabka ah ee la wada raaco, kuwaasoo haddii qof Soomaali ah lagu dhex arko sas laga qaadayo.
Haddii sida xaalku hadda yahay arrintu kusii socoto, waxaa adkaan doonta in Soomaalidu ay Nairobi, ku soo hamiyaan, waxaana howlaha hadda socda aaney kala soocin qof Soomaali ah meeshuu doono haka yimaadee.
Ugu dambeyntii, waxaana weli dhaqan galin amarkii maxkamadda sare ee dalka Kenya, kaasoo ahaa in la joojiyo qabqabashada qoxootiga sharciga ku haysta magaalooyinka, iyadoona howlgaladii sidii hore ayan hoos uga dhicin.
Halgan.net/Somalireal
Nairobi