Xaflad lagu soo bandhigayey Mujallada (Alciffah) Tirsigii 3aad oo lagu qabtay Laascaanood[Masawiro]

May 9, 2014 - Written by Editor

10153033_573100536120478_6172727570438359850_nLaascaanood:-Xaflad ay soo Agaasimeen Golaha Ardayda Gabdhaha ah ee ka baxay Mac-hadka Alfurqaan ee magaalada Laascaanaod ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa lagu qabtey Hoolka Xafladaha iyo Kulamada ee Machadkaasi. Xafladaan ayaa waxaa lagu soo Bandhigayey Mujallada (Alciffah) ,Qeybteedii Saddexaad oo ay soo saaraan Golaha Ardayda Gabdhaha ka baxay Machadka Al-furqaan,taas oo ah mid saddexdii biloodba mar ay sooraan.

xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah Culimada magaalada Laascaanood Ganacsatada,ururada dhalinyarada,iyo haween aad u badan ,waxayna dhamaantood sheegeen in majaladani tahay mid wax weyn ka tari doonta kor u qaadista aqoonta iyo isku xidhnaanta gabdhaha.

Cadaddka Mujalladan oo ahayd tii 3aad ayaa waxaa lagu soo kordhiyey qeybo kale oo ku Qoran Af-Soomaali , iyadoo guud ahaan ay ka koobnayd 14 maqaal oo isugu Jira Soomaali Iyo Carabi ,Kana Hadlayey dhinacyada waxbarshada,akhlaaqiyaadka, Arrimaha Bulshada iwm.

no images were found

Golaha Gabdhaha ka qalin Jebiyey Mac-hadka Alfurqaan ayaa ah Gole ka qayb qaata Hawlaha Bulshada ee Gobolka, gaar ahaan Waxbarashada, Caafimaadka , Dacwada, Dhiiri gelinta Hablaha Gobolka , Muxaadaraadka Loo Jeediyo Bulshada iyo weliba iyagoo qabta Dawrooyin Xilliga Xagaaga ,Teeramyada , iwm.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online