Xaflad qalinjebin oo golaha gabdhuhu u qabteen dufcadii 6aad ee Machadka Al-furqaan Buuhoodle.‏[Masawiro]

May 17, 2014 - Written by Editor

DSC_8751Buuhoodle:-Munaasabad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta jaamacada bariga Africa faraceeda magaalada Buuhoodle. Munaasabadan ayaa ahayd mid machadka sare ee barashada culuumta shareecada iyo carabiga ee Al-furqaan Buuhoodle ku sagoon tinayey ku dhawaad 42 arday oo dhamaystay culuumta shareecada islaamka kana baxday machadka alfurqaan ee magaalada Buuhoodle.

Xafladan waxaa soo qaban qaabiyey golaha gabdhaha ka baxay machadka sare ah Al-furqaan ee magaalada Buuhoodle sidoo kale waxaa isla munaasabada lagu soo dhaweynayey jaamacadda bariga Africa, ardaydan gaadhaysa 42 arday ee dhamaystay machadka sare  ee alfurqaan. Xafladan waxaa ka soo qayb galay culimo,udiinta. Isimada, cuqaasha waxgaradka,ururada haweenka,qurbo joog,waalidiin, ganacsato iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaana ugu horaynti madashaasi ka hadashay Xamdi c/risaaq x,xasan oo ah gudoomiyaha golaha gabdha ka baxay machadka  alfurqaan, iyadoona ku dheeraatay ahmiyada ay leedahay munaasabadani, kana war bixisay waxqabadkooda mudadii ay jireen kana codsatay bulshada inteeda kale inay garab iyo taageeraba ka helaan.

Dhinaca kalena golaha gabdha ka baxay machadka sare ee alfurqaan waxay jaaisooyin gudoon siiyeen:-

(1)Gudomiye kuxigenka dacwada gobolka cayn shiikh jaamac dheere.

(2)gudoomiyaha jamacada bariga Africa faraceda buhodle  dr c/shaafi axmed cali.

(3) Gudoomiye ku xigeenka machadka sare ee alfurqaan shiikh axmed maxamed samatare oo uu ugudoomay c/xaafid maxamed jibriil.

Dhinaca kale waxay golaha gabdhaha ka baxay machadka sare ee alfuqaan Jaa’isoon siiyeen 9 hablood oo ugu firfircoonaa hablo ka shaqayn jiray kulamo diini ah oo lagu qaban jiray machadka sare ee alfurqaan isbuuc kasta maalinta jimcaha iyo hooyo iyo inanteedii oo hal mar ka wada qalin jabiyey machadka sare ee barashada culuumta islaamka iyo carabiga iyo gabdhii ugu sabirka badnayd ardayda.

Sidoo kale waxaa isna madashaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacad bariga Africa faraceeda buuhodle ahna gudoomiyaha machadka sare ee alfurqaan ee magaalada buhodle Dr/cabdishafi axmed cali oo u mahad celiyey golaha gabdhaha soo qaban qaabiyey xafladan,

Dhankooda waxaa iyaguna ka hadlay xafladaas cabdisalaan cumar x/xirsi oo ka mid ah ardayda loo qabtay xafladan oo damreenkood cabiray soona bandhigay riwaayado ka turjumaya ahmiyada ya wax barashadu leedahay aadamaha.

Waxaan kale oo ka hadlay axmed abdi guray iyo cabdinasir dhafaruur oo ku hadlayey afka qurbo joogta gobolka cayn oo u mahadceliyey dhamaan ka sooo qayb galayaasha sida isimada waalidiinta qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhinaca waalidiinta c/laahi jaamac haaruun ayaa isna mar uu dareenkiisa cabirayey sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay awlaadiisii oo dugsi sare dhamaysay jaamacadna u diyaara inay tahay wax ilaahay loogu mahad noqo waxaa iyana hadlay gudoomiyaha shirkada teleso caaqil c/samad cali xasan, gudoomiyaha hayadda SRO buhodle faarax x/cabdi, iyo saleebaan faarax maxamed (shanfool) oo kamid ah ganacsatada gobolka bari ee boosaaso iyo martisharaf aad u badan.

Ugu danbayni waxaa soo gunaanaday xafladan qiimaha badnay garaad c/laahi garaad soofe oo ku booriyey ardayda gobolka  inay ka faaidays taan fursadan waxaad  nasiib u yeelateen  waxbarashadii ilaa heer jaamacadeed inaad ka heshaan  deegaankiina, halka waayadii hore waxbarashada loo  aadi jiray meelo ka durugsan gobolkiina ayuu yidhi garaad c/laahi garaad soofe, xafladan ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u quruxbadan oo degan.

no images were found

Hoos ka Daawo Xaflada loo qabtay Ardayda ka qalan jabisay Machadka Al-furqaan Buuhoodle

Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online