Xildhibaanno Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ugu baaqay inuu xilka iska casilo
May 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho Xildhibaano oo gaaraya ilaa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud in uu xilka iska casilo ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ka soo bixi waayey xilkii loo igmaday iyo balan qaad yadii uu qaaday xiligi uu u tartamayey xilka madaxweynanimada Soomaaliya. Kulanka ay yeesheen Xildhibaaada ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda ka howl gasha magaalada Muqdisho la hadlay Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali isagoona sheegay in nuxurka kulankooda uu ahaa in ay baaq ay u direen madaxweynaha baaqaas oo ah in xilka uu iska casilo ka dib markii uu fulin waayey lixdii tiir ee uu Madaxweynuhu uu balan qaaday.
Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali ayaa sheegay in haddii madaxweynaha codsiga ay u soo jeediyeen uu fulin waayo ay mari doonaa hab sharci ah oo ay mooshin geyn doonaa Baarlamaanka. Sidoo kale Xildhibaanada la hadlay saxaafadda ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Abuukaato Daahir Xassan Cabdi iyagoo ku eedeeeyey in madaxweynuhu uu ku fashilmay hogaanka siyaasad dalka sidaas awgeedna uu Xildhibnaada saaran yahay xil weyn loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka soo baxaan xilka saaran.
Dhinac kale Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ahaa siyaasiyiintii u tartamay xilka madax weynanimada Soomaaliya ayaa waxaa uu ku eedeeyey Madaxweynaha iyo hogaanka dalka in howshii dalka oo dhan ay u gacan gashay oo kaliya 2 ilaa 3 qof oo aan howshaas ka soo bixi karin maadama dalka soomaaliya uu ku jiro burbur ayna ka dhaceen dagaalo sokeeye.
Codsiga Is casilaad ah oo ay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ay u jeediyaan Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ilaa haddan lama yaqaan in uu dhaqan geli doono iyo in kale balse waxaa la filayaa in Xildhibaanada mooshinka ku wada Madaxweynaha ay ka caraysan yihiin qaabka ay Madaxda DFS ay u maareeyeen dhismihii Maamulka Jubba iyo khilaafka dhinac maamulka ah ee ka aloosan Gobolka Bay.
A/cawaale
Halgan.net