Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama
March 30, 2015 - Written by EditorLondon:-Madaxweyinihii hore ee DKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho weerarkaas oo sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Madaxweynihii hore ee DKM Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama wuxuuna ugu baaqay madaxada DFS iyo ciidanka amaanka in ay foojignaadaan.
Madaxweynaha DKM Shariif Sh Axmed ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in uu haatan wado uuna qorsheynayo howlo sama-fal oo wax loogu qabanayo dalka Soomaaliya isaga oo xusay in Hay’ad Samadoon ee uu gudoomiyaha u yahay ay ka howlgali doonto dhawaan dalka Soomaaliya oo dhan.
A/Cawale
Halgan.net