Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Degmada Halgan iyo Al-Shabaab oo la wareegtey.
October 23, 2016 - Written by EditorHiiraan:-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kooxda Alshabaab ay la wareegeen deegaanka Halgan ka dib markii halkaas ay isaga baxeen ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya.
Dagaalyahanada ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa saakay lagu arkayaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan waxaana ay baaritaano kala duwan ka wadaan gudaha Degmada Halgan iyaga oo xabsiga dhigay dhowr qof.
Waxaa kale oo ay Al-Shabaab dib u qabsadeen deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya waxaana kooxda Al-Shabaab ay ku dileen dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen ciidanka Itoobiya.
M_M Deeq
Halgan.net