Degaanka Godinlabe oo ay ku dagaalameen kooxda la baxday Ahlusunna iyo Gal Mudug
October 12, 2016 - Written by EditorDagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Garab ka helaya Maamulka Ahlusunna ayaa waxaa uu ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud waxaana dagaalka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday ka dib markii Maleeshiyo la sheegay in ay diidan yihiin Maamulka Galmudug ay isbaaro dhigteen duleedka Degaanka Godinlabe waxaana weerar ku qaaday ciidan ka tirsan Galmudug kuwaas isku dayey in ay qaadaan Isbaarada.
Dagaalka ayaa waxaa ku biiray Ciidamo wata Gaadiid Dagaal oo aad u badan,kuwaas oo ka baxay Degaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud kana tirsan kooxda Suufiyada ee gacanta ku heysan Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan kooxdda la baxday Ahlusunna ee Suufiyada ah iyo Maleeshiyaadka Isbaarada dhigtay ay la wareegeen Gacan ku haynta Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.
Xiisad Kacsanaan ah ayaa waxaa laga soo sheegayaa Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud xili Mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Suufiyada ee Ahlusunna ay sheegeen in ay la wareegeen Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud
A/Cawale
Halgan.net