Puntland oo galabta Gaalkacyo ku soo bandhigtay 3 askari oo ka tirsan NISA.[Cod/Masawiro]
October 12, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:– Puntland ayaa galabta ku soo bandhigtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug askar ka tirsan ciidamo ka tirsan DFS gaar ahaan kuwa NISA ee hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed kuwaas oo ay sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Gaalkacyo.
Wasiirka deegaanka ee dowlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id qabtay magaalada Gaalakacyo ayaa waxaa uu sheegay in 3 sakari oo ka tirsan hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA ay isku soo dhiibeen Puntland .
Dr. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka deegaanka ee dowlada Puntland ayaa eedeyn u jeediyey madaxada DFS waxaana uu sheegay in ay cadeymo u hayaan in DFS ay qeyb ka tahay dagaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
no images were found
. 3 Askari ee ka tirsan Hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA ee isku dhiibay Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay isigu dhiibeen ciidanka Puntland.Hoos ka Dhagayso Puntland oo galabta Gaalkacyo ku soo bandhigtay 3 askari oo ka tirsan NISA
[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/Ciidan-iyo-Wasiirka-.mp3]A/Cawale
Halgan.net