Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi oo laga waraystay Xaalada Gaalkacyo[Dhagayso]
October 18, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:-Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo waraysi gaar ah siiyey radio Daljir oo ka hadlay xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in magaaladu ay tahay mid degan isagoo xusay in gacansiga magaalada uu yahay mid furan.
Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo wax laga wiidiiyey in waan waan ay u socoto wasiiro ka tirsan Puntlan iyo Gal-Mudug ah ayaa waxaa uu xusay in arrintaas ay tahay been la faafiyey balse ay soo dhaweynayaan in odayaasha deegaan ka Gaalkacyo iyo waxgaradkuba ay iyagu ka wada hadlaan qaab kasta oo lagu dhamayn karo colaada.
Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa dhinac kale sheegay in ay socoto howshii dhisamaha Maxjarka meel fiican ay marayso lana soo gabagabeyn doono usbuuca soo socda haddii alle idmo.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Daljir la yeeshay Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame
[audio: http://radiodaljir.com//resources3/files/Wasiirka_Deegaanka_Cali_Cabdulaahi_Warsame.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net