Faah faahin qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaaxi ku taal Beledweyne
September 10, 2017 - Written by EditorBaladweyne:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu isku qarxiyey maqaaxi inta badan dadka shacab ah ay fariistaan oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaana khasaaro kala duwan uu gaaray dadkii shacabka ahaa.
Qofkan isku soo xiray jaakad miineysan ayaa waxaa uu soo galay maqaaxida xili ay dad badan ku sugnaayeen maqaaxda wuxuuna isku qarxiyey dadkii shacabka ahaa
Ilaa haatan waxaa ku dhintay 3 ruux waxaana ku dhaawacmay 20 kale waxaana dadka dhaawacmay ku jira saddex wariye ah oo ka howlgala TV kala ah Jubbaland, Saab, iyo RTN.
no images were found
Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo shir jaraa’id goobta ku qabtay ayaa sheegay in kooxda sharwadayaasha ah ee caadeystay dhiiga Muslkinka ay dad shacab ah qarxiyeen.
Ciidamada amniga ee magaalada B/weyne ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan waxaana ay sheegeen in ay wadaa baaritaano.
A/Cawale
Halgan.net