Maamulka Gal-Mudug oo amray laamaha amniga in si deg deg ah loo soo xiro nin aflagaadeeyey Nabi Muhammad NNKH.[Video]
September 19, 2017 - Written by EditorCadaado:-Kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyuinta maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa ka soo baxay amar ah in si deg deg ah lagu qabto nin ku gafay Nebigeenii Muhamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiis ha ahaatee oo lagu magacaabo Shiikh Cabdi Wali Afyare Cali kuna sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Wasaarada amniga iyo Wasaarada Arrimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Galmudug ayaa ku amray laamaha amaanka iyo ciidanka nabadsugida ee dowladda Federalka Soomaaliya in ay qabtaan ninkaas ku xadgudbay Nebigeenii Muhamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiis ha ahaatee.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee ay wada qabteen Wasaarada amniga iyo Wasaarada Arrimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Galmudug
M_M_Deeq
Halgan.net