Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland oo xilka ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.
September 13, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19 September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.
Markuu Garawsaday: Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.
Wuxuu Xeeriyey:
Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.
Hoos ka eeg Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland oo xilka ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
no images were found
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.