Qarax lagu weeraray goob Makhaayad ah oo u dhow Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho
September 11, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Gaari laga soo xiray walxaha qarxa ayaa lagu weeraray goob laga cabo shaaha oo lagu Magacaabo Xadra-mindi kuna dhagan Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho oo ku yaal wadada ugu mashquulka badan ee Maka Al-mukarama. Goobta qarax uu ka dhacay oo ay ku sugnaayeen dad fara badan ayaa la soo sheegayaa in jiro khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu le’eg yahay khasaaruhu.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa tegay gobta qaraxu ka dhacay waxaan ay ka soo qaadeen dad qaba dhaawacyo kale duwan iyo kuwa dhintayna. Majirto weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir walow Saraakiil ka tirsan Ciidanku ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay.
Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaah
A/cawaale
Halgan.net