Golaha Walaalaynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka oo looga Dhawaaqay Garoowe: (Masawiro)

December 2, 2017 - Written by Editor

Garoowe:  Shirweyne Lagaga Hadlayay walaalaynta bulshada iyo cirribtirka qabyaaladda ayaa xalay lagu soogabagabeeyey xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Garoowe.

Shirweynahaan oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Baran, waxaana lagaga dooday siyaabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee dadkeena loo walaalayn karo, qabyaaladda iyo isnacaybkana looga saari karo, dhismaha gole shaqadaas u taagan, axdiga golaha, qorshaha shaqada iyo xulashada guddiyadii maamul ee golahaas.

Dood socotay maalintii khamiista oo dhan ka dib waxaa shirweynuhu isla gaaray arrimahaan soosocda:

  1. In dadkeena meel ay dunida kajoogaanba ay haystaan dhibaatooyin kadhashay qabyaaladda iyo dagaallada sokeeye, dhibaatooyinkaasna ay soomaali iyadu aasaas u ahayd, loona baahanyahay inay wax kaqabato; waayo ruqo ninki ilahaa dabada kagataaganyahay ma kacdo.
  2. Si arrintaan wax looga qabto inay lagama maarmaantahay inay is-uruursadaan dadka wanaagasan ee xilkaska ah, ayna isukaashadaan walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo tirtirida cuqdadaha iyo kala shakiga dhexyaal.
  3. In la dhiso Gole shaqadiisu tahay hirgalin ta barnaamijka walaalaynta iyo qabyaaladdiidka oo ay kujiraan dad xul ah ooqaybaha bulshada kasocda, waxaana loogu wanqalay: golahawalaalayntabulshada&qabyaaladdiidka.
  4. Shirweynuhu wuxuu ansixiyey axdiga golaha iyo qorshihiisa shaqo.
  5. Waxaa la doortay guddiga joogtada ah ee golaha dhexe iyo shirguddoon koodii. Waxaa kale oo la doortay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha walaalaynta Eng. Maxamed Cali Cabdi (Badwi).Xafladda xiritaanka Shirweynaha oo luguqabtay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika Garowe waxaa kasooqayb galay Madaxweyne kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin C/lahi X. Cumar Camey, wasiirro, isimo, Cuqaal, Culimo, Ganacsato, Bahda waxbarashada, bahda Saxaafadda, suugaan yahano Iyo ergooyinkii gobolada kayimid.

UstaadFaarax C/laahi Cumar Gardan ayaa xafladda ku furfuray mahadcelin, soodhaweyn iyo warbixinkooban, kadibna waxaa hadal walaalnimada muslimiinta kahadlaysa soojeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe  Sh. Maxamuud XaajiYuusuf .

Intaa ka dib Madaxa guddiga qabanqaabada Sh. Axmed C/samad iyo guddoomiyaha fulinta Golaha Walaalaynta Eng. Maxamed Cali ayaa kawarbixiyey ahmiyadda walaalaynta bulshada iyo marxaladihii uu soomaray abaabulka barnaamijkaan.

Waxaa kale oo ay wax katilmaameen ujeeddooyinka loo aas’aasay Golaha walaalaynta, ahmiyaddiisa, shaqooyinka uuqabanayo, waddooyinka loo marayo shaqooyinkaas, hababka iyo siyaasadaha la raacayo iyo waliba  miraha lagafilanayo.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online