Kulan looga hadlayo u hiilinta Quddus oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.[Masawiro]
December 13, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa Xalay hoolka munaasabadaha iyo xafladaha ee jaamacadda Bariga afrika si habsami leh loogu qabtay Barnaamij logu magacdaray kulanka Jamaahiireed ee u hiilinta Quddus , waxaana iska kaashaday hirgalintiisa xarunta geeska afrika iyo Jaamacadda Bariga afrika.
Kulankaan loogu hiilinayo Quddus ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Culamaau’diin, Aqoonyahano, Nabadoono, Abwaano , Jaaliyadaha walaalaha carbeed ee ku nool magaalada Boosaso , arday iskugu Jira gabdho iyo wiilalba .
no images were found
Kulanka ayaa Waxaa laga soo jeediyay kalmado kala duwan nuxurka iyo biya dhacoodu ahaa ahmiyadda ay leedahay Qudus umadda islaamka iyo inaan sinaba dood iyo gorgortan loo galin Karin. Masuuliyintii iyo bulshadii ka soo qayb gashay kulanka ayaa waxaa si isku mid ah ugu nuuxnuuxsadeen badankood – inti madasha ka hadashay – in la qaato asbaabtaha keena guusha oo ay ugu horeeso midaynta iyo walaalaynta umadda Soomaaliyeed guud ahaan gaarv ahaan umada Islaamka . Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laga soo jeediyay nashiidooyin iyo gabayo in badan dadku ay u riyaaqeen.
Jaamacadda Bariga afrika.
Boosaaso, Halgan.net