Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda Afrika in la iska kaashado abuurista jawi maalgashi.[Masawiro]

December 9, 2017 - Written by Editor

Muqdisho, Disembar 9, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

-DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online