Madaxweynaha Puntland ” Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya Wuxuu kusoo Dhammaaday Guul
December 9, 2017 - Written by EditorMadaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe.
Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo cidanka dawladda Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo dhisitaankiisa iyo isku dhafkiisa.
Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.