Madaxweynaha Puntland ” Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya Wuxuu kusoo Dhammaaday Guul

December 9, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo cidanka dawladda Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo dhisitaankiisa iyo isku dhafkiisa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online