Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo gaaray Garoowe
January 8, 2019 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Cusub ee Dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Garoowe ku qaabiley Wafti heer sare oo kasocda Dowlada federaalka soomaaliyeed kuwaas oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.
Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudo 2 maalin ah waxaa u suuroobi weyday in ay ka soo qayb galaan doorashada lagu dooranayey gudoonka Baarlamaanka , Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ka dib markii xukuumadii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee dowladda Dr,Gaas ay diideen inwax ka socda xukuumada Federaalka iyo shaqaalaha madax tooyada Villa Soomaaliya ka doo qayb galaan doorashada Puntland.
Dhinac kale Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr.Siciid C/laahi Deni ayaa waxaa uu soo saaray amarkii ugu horeeyey oo uu ku xanibay in wax lacag ah laga saaro Bangigga dowladda Puntland.
Hoos ka Akhriso amarkii ugu horeeyey ee ka soo baxay Madaxweynaha cusub Dr Siciid Cabdulaahi Deni
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net