Xildhibaanada Cusub ee Dowlada Puntland oo Gudoomiye KMG ah doortay
January 1, 2019 - Written by EditorXildhibaanada Cusub eee Barlamaanka Dowlada Puntland ayaa maanta waxay guddoomiye kumeel gaar ah u doortay xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye, oo ah Xildhibaanka ugu da’ada weyn baarlamaanka Puntland
Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee labadii baarlamaan ee ugu dambeysay Puntland waxaana lagu wadaa in soo dhiso guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen taas oo la qaban doono 4 bishan
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa dooran doona Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa 8 bisha Jan 2019
M_M Deeq
Halgan.net