Madaxweyne Deni oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Puntland.
July 28, 2019 - Written by Editor Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa
shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga
Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo
Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha
Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha
Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada
Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha
Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe
iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay.
Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa faray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.