Madaxweyne Deni oo Xarigga Ka Jaray Wershedda Tuubooyinka iyo Siligga.
July 30, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wershed cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo markii ugu horaysey laga hirgaliyey deegaanada Puntland.
Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo.
“Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”.
“Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota, waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa horumarka”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadayaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkaddan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland. Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku weheliyey Daahfuray xaruntaasi Wasiiro, masuuliyiinta shirkadda iyo xirfadlayaal reer Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND