Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
July 30, 2019 - Written by EditorMadaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, Xafiiska Puntland, gaar ahaan Garoowe.
Madaxweyne ku xigeenka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ay wehliyaan, Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha laanta Puntland Col, Maxamed Faarax Qambi iyo Saraakiil kale.
Kormeerkan oo Madaxweyne ku xigeenku ku eegayay hannaanka shaqo ee Laantan waxa uu indhaha indheeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Waaxaha Baasaboorada, Fiisooyinka, IT-ga iyo kuwa kale.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane ayaa bogaadiyay Maamaamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, gaar ahaan Laanta Puntland, waxaana uu kala dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday ee ay ummaada u hayaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.