Qarax Khasaaro Geystay oo ka dhacay xarunta Gobalka Banaadir
July 24, 2019 - Written by EditorWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax culus uu ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Qarax ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa qof ismiidaamiyey uu isku qarxayey gudaha hoolka xarunta Gobolka halkaas oo uu ka socday shir .
Waxaa jira dhaawacyo soo gaaray Guddomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay Guddomiye Yariisow .
Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Basmo Caamir iyo Cabdifitaax Xalane ay dhaawac culus uu soo gaaray .
Gudoomiyayaal iyo Masuuliyin kale ayaa laga baqayaa in ay Qaraxa ku Geeriyooday.
Wixii Faahfaahin ah dib baan idinka soo gudbin doonaa inshalaaah
A/Cawale
Halgan.net