Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dhaliilay Xukuumada Puntland

July 22, 2019 - Written by Editor

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in saaka ay Shir saxaafadeed ku qabteen magaalada Garowe Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland waxayna Shirkooda uga hadleen Waxagarada iyo Culumo lagu xiray magaalada Boosaaso iyo Garoowe waxayna cadeeyeen in loo xiray Waxgaradaka si Sharci daro ah .

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ayaa sheegay in Dastuurka Puntland qodobo kamid ah uu qeexayo iyo raga xiran sharxci daro lagu xiray waxayna ugu baaqeen Xukuumada iyo Madaxweyne Saciid Deni in lasii daayo culimada iyo xubnaha kale ee lagu xiray Garoowe iyo Boosaaso.

Warbaahinta ayaa oo su’aal ka waydiisey Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland waxayna si cad u sheegeen in dawlada Federalku xaq u leedahay in mashaariic ay ka fuliso deegaanada Puntland .

Dhanka kale Banaanbax looga soo horjeedo xariga culumada iyo waxgaradka ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Carmo ee gobalka Bari waxaana dadweynihii banaanbaxa dhigayey ay ugu baaqeen madaxda iyo xukuumada Puntland in la sii daayey waxgaradka iyo culumada xiran.

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.