Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska.
October 7, 2019 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-76 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey
1. Waxaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire loo dalacsiiyey
derajada G/Dhexe
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND