Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag
October 7, 2019 - Written by Editor
Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey
1. Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND