Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday Duulimadyada Caalamiga ah.(Daawo)
March 16, 2020 - Written by EditorWasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhaw shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shirka dhacay maanta ka dhacay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre lagu go’aamiyey in mudo 15 cisho ah la joojiyo duullimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala, kana baxa laga bilaabo 18-ka bisha Maarso.
Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono guud ahaan dalka oo dhan
Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dowladdu fasixi doonto oo kaliya duullimaayada ka shaqeynaya arrimaha bini’aadanimada iyo gargaarka hadii loo baahdo.
Hoos ka Daawo Shirka Jaraaid Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar .
A/Cawale
Halgan.net