Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo dib ugu soo noqday Garoowe.
March 8, 2020 - Written by EditorMadaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar ugu maqnaa dalalka Turkey iyo Germany ayaa maanta Wadanka dib ugu soo laabtay.
Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash, waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport kusoo dhoweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Saraakiisha laamaha amniga, hogaan dhaqan, Ganacsato iyo dadweyne kale.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND