Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo soo dhaweeyey Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya
March 13, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka ahna Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada shirka weynaha wada Tashiga Puntland oo dhawaan ka furmaya Caasimadda Puntland, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Maxamed abshir ku soo dhaweeyey Wafdi ballaaran oo ka socda golayaasha dowladda dhexe oo galabta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland.
Wafdigaan ka socday Dowlada Faderalka Soomaaliya ayaa isugu jira wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada golle ee baarlamaanka Soomaaliya waxuuna ujeedka safarkoodu salka ku hayaa si ay uga qeyb galaan shir weynaha wada Tashiga Puntland.
no images were found
DHAMMAADXAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.