Xaaladda Baladxaawo ee gobolka Gedo oo degan
March 3, 2020 - Written by EditorBaladxaawo:-Xaaladda magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka degan ka dib dagaal ka dhacay magaalada waxaan dagaalku dhex maray ciidamo kala taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamay magaalada iyo dad shacab ah oo guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isku ridayeen.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay dhamaan kala wareegay fariisamihii uu uga sugnaa degamada baladxaawo wasiirkii amniga ee Jubbaland Abdirashiid Janann iyo cidamadiisa.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ayaa waxaa lagu sheegayaa ilaa hadda 15 qof oo dhimasho ah oo u badan ciidamadii ku dagaalamay magaalada Baladxaawo walow aan maamulka magaalada Baladxaawo ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbalandba aysan ka hadal khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay.
A/cawaale
Halgan.net