Raisulwasaaraha DFS oo gaaray magaalada Jowhar.

June 3, 2021 - Written by Editor

Jowhar:-Wafdi uu hogaaminayo, Ra’isul wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Maamul gobaleedka Hirshabeele si uu u soo kormeero  khasaaraha uu sababay  fatahaadda webiga Shabeele .

Wafdiga Raisulwasaaraha DFS  ayaa waxaa ku soo dhaweeyey mgaalada Jowhar Madaxweynaha Hirshabeele, Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Hirshabeele 

 Fatahaadda webiga Shabeele ayaa aad u saameeyey magaalada Jowhar wuxuuna dhibaato u geystay beerahii waxaana ka barakacay magaalada qaar ka mid ah dadkii deganaa .

 Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee maanta gaaray magaalada Jowhar waxaa socdaalka ku weheliyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, 

Waa markii ugu horeysay oo uu Ra’iisul waare, Maxamed Xuseen Rooble, oo safar ku tago Jowhar tan iyo markii loo magacaabay Raisulwasaaraha DFS .

A/Cawale

Halgan.net

Comments are closed.