Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda SILC.[Masawiro]
June 5, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda SILC (Swedish International Liberal Centre) ee dalka Sweden, oo ay hoggaaminayso marwo Amanada Valentin uuna qeyb ka yahay Siyaasi Cabdulqaadir Salaad Cali Loonge oo ka mid ah Xisbiga Liberal ee Dalka Sweden.
no images were found
Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta Doorashada hal Qof iyo Hal cod oo Dowladdu ka qabanayso degmooyinka Puntland, isla markaana ay door muhim ah ka qaadanayso Hay’adda SILC oo ka shaqeysa arrimaha Dimuqraadiyadda .
M_M_Deeq
Halgan.net