Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda  ee Dalka Talyaaniga.[Masawiro]

June 12, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay, waxa uuna soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeenna.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Abdikadir Ali Dige Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2022
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online